Far-Wadaadle Icon
Far-Wadaadle فرودادليBeddele Soomaali Laatiin → Far-Wadaad

Af-soomaaliga Ku qor Far-Wadaadأَفْ-سٗومَالِگَ كُ قٗرْ فَرْ-وَدَادْ

U rogida tooska ah ee Soomaali Laatiin to Far-Wadaad — farta taariikhiga ah ee carabiga ee afka Soomaaliga

0 xaraf Laatin0 xaraf far-wadaad

Tixraaca Maabka Xarfaha

khخ
Riix si aad u koobiyeyso
shش
Riix si aad u koobiyeyso
dhڎ
Riix si aad u koobiyeyso
bب
Riix si aad u koobiyeyso
tت
Riix si aad u koobiyeyso
jج
Riix si aad u koobiyeyso
xح
Riix si aad u koobiyeyso
dد
Riix si aad u koobiyeyso
rر
Riix si aad u koobiyeyso
sس
Riix si aad u koobiyeyso
cع
Riix si aad u koobiyeyso
gگ
Riix si aad u koobiyeyso
fف
Riix si aad u koobiyeyso
qق
Riix si aad u koobiyeyso
kك
Riix si aad u koobiyeyso
lل
Riix si aad u koobiyeyso
mم
Riix si aad u koobiyeyso
nن
Riix si aad u koobiyeyso
hه
Riix si aad u koobiyeyso
wو
Riix si aad u koobiyeyso
yي
Riix si aad u koobiyeyso

FG: Qaabka aan Xarfaha Carabiga iyo Laatiinka isugu Maab garaynay waxa aan kasoo dheeganay Hab Qoraalkii Hore ee Far-Wadaad. Qaababka far wadaadka loo qoro 95% isku mid ayay ahaayeen. waxaa jiray xarfo yaryar oo in kala si loo qoro dhici jirtay. sida xarfaha (d, g, e, o, ).

FG:xarafka "D" labo qaab ayaa loo qori jiray: د, ط waxaanu doorbidnay د maadama uu dhawaaqa si sax ah u matalayo, halka xarafka (ط) uu matalayo cod kale oo aanan Af soomaaliga laga helin

FG:shaqallada "e iyo u" farta carabiga ee asalka ah lagama heli karo. Laakiin maadama farta in ka badan 100 luuqadood ay isticmaalaan. waxaa jira xarfo loo sameeyay labadaas Cod. shaqalka (O) waxaan ku maab garaynay ◌ٗ shaqalka (E) waxaan ku maab garaynay ٚ◌

FG: xarafka G isaga dadkii far wadaad wax ku qori jiray qaar kamida waxay isticmaali jireen غ, laakiin xarafka saxda ah ee codkaa mattala luuqado badanna ay isticmaalaan waa گ

FG: Shaqalada gaagaaban ee a e i o u waxay noqdaan calaamado (ḥarakāt). Erayada ka bilowda shaqal waxay si toos ah u qaataan xarafka Alif أ. Dhammaan xarfaha halkan ku jira waa kuwo toos loogu isticmaali karo beddeleha kore.

Baro farta Far-Wadaad

Xog dheeri ah ka ogow Far-Wadaad, qoraalka Soomaaliga ee ku salaysan xarfaha Carabiga.

Taariikhda Far-Wadaadka

Far-Wadaadku waa hab qoraal ku salaysan xarfaha Carabiga, kaas oo loo isticmaali jiray qorista Af-Soomaaliga boqolaal sano ka hor intaanan la qaadan farta Laatiinka sannadkii 1972. Waxay ahayd habka ugu muhiimsan ee ay culimada, ganacsatada, iyo gabayaagu u isticmaali jireen diiwaangelinta taariikhda iyo aqoonta Soomaalida.

Yaa Isticmaali Jiray?

waxa Wax ku qori jiray Culimadii Soomaaliyeed sida Sh. Yuusuf axmed Al-kownayn, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Sh. Uways al-Barawi iyo kuwo kale oo badan. Qoreyaal Soomaliyeed oo kala duwan ayaa alifay habab lagu waafajinayo xarfaha Carabiga codadka gaarka ah ee Af-Soomaaliga.

Sidee u Shaqeeyaa?

Beddelehan wuxuu isticmaalaa hab-raaca casriga ah ee Far-Wadaadka. Tusaale ahaan, shaqallada dheer (aa, ee, ii, oo, uu) waxaa loo beddelaa xarfo iyo calaamado is-raacsan, halka shibbaneyaasha labanlaaban la saaro 'Shaddah' ( ّ ). Habkan wuxuu ilaalinayaa dhawaaqa saxda ah ee afka.

Luuqado Kale

Af-Soomaaliga iyo Af-carabiga ma ahan luuqaddaha kaliya ee adeegsada/jiray xarfaha Carabiga; afaf badan oo Afrikaan iyo Aasiyaan ah sida Swahili (Ajami), Faarisi, Urdu, Pashto Hausa, iyo Wolof ayaa iyaguna leh taariikh dheer oo ay ku qori jireen farta Carabiga. Tani waxay muujinaysaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya dhaqanka, diinta iyo farta.

Warqad la qoray 1932 oo ku qoran Far-Wadaad
Warqad Taariikhi ah (1932)

Dhaxal La Ilaaliyay

Sawirkani wuxuu muujinayaa warqad la qoray sanadkii 1932-dii, oo uu qoray Nin ku sugnaa Berbera una diray xaaskiisa oo ku sugnayd Burco. warqadda waxay ku qorantahay far wadaad. taas oo tusaale nool u ah sida Far-Wadaadka loogu adeegsan jiray isgaarsiinta xilli aad u fog.

Qoraalka dhexdiisa, waxaad ku arkaysaa sida farsamada iyo silsilada leh ee xarfaha carabiga loogu qaabeeyay dhawaaqa Af-Soomaaliga,taasoo ah bilicda iyo sooyaalka uu mashruucani soo noolaynayo. Una taaganyahay dhowriddiisa

"Asc, waxaa Alle mahaddii ah inaanu ugu danbayn Hirgalinnay Mareegtan Ummada soomaaliyeed u fududaynaysa in Qoraal kasta oo Far-Soomaali Laatiin ku qoran si fudud ugu beddeli karaan Far-Wadaad (carabi). ... ."

"Waxaanu u hadyaday-naynaa cid kasta oo danaynaysa fartaan. jecelna in Af-kooda Hodanka ah ay ku qoraan farta hodanka ah ee Carabiga... ."

Tijaabada aan mariinnay Mashiinka waxa ay tilmaamaysaa in wax ku dhow 100% uu si sax ah u qabanayo beddelidda.

— Developer-ka Mareegta

Farta Carabiga & Luuqadaha Lagu Qoro

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan farta Carabiga iyo sida ay u isticmaalaan luqado badan, oo adduunka ah.

Farta Carabiga waa nidaam qoraaleedka labaad ee loogu isticmaalka badan yahay adduunka, iyadoo in ka badan 100 luqadood—ay ku jiraan Faaris (Persian), Urdhu (Urdu), Bashto (Pashto), Kurdi (Kurdish), iyo Maalay (Jawi)—ay isticmaalaan iyada ama noocyo ka farcamay, inta badanna lagu daro xarfo gaar ah si ay u metelaan dhawaaqyo u gaar ah luqadahaas. Qiyaasaha guud ee luqadaha, taariikh ahaan iyo haddaba, waxay u dhexeeyaan in ka badan 100 ilaa 200, iyadoo ku xiran qaabka loo kala saaro.

Luqadaha Waaweyn ee Isticmaala Farta Carabiga

Carabi

🇸🇦

Luqadda koowaad, oo ay ku jiraan dhammaan lahjadoheeda.

Faaris (Farsi/Dari)

🇮🇷 🇦🇫

Waxaa looga hadlaa Iiraan iyo Afgaanistaan.

Urdhu

🇵🇰

Luqadda qaranka ee Bakistaan.

Bashto

🇦🇫 🇵🇰

Waxaa looga hadlaa Afgaanistaan iyo Bakistaan.

Kurdi

☀️

Gaar ahaan lahjadda Soraaniga (Sorani).

Maalay (Jawi)

🇲🇾 🇧🇳

Taariikh ahaan koonfur-bari Aasiya, wali waxaa laga isticmaalaa qaybo ka mid ah Burunaay iyo Malaysiya.

Uqhuur (Uyghur)

🌍

Waxaa laga isticmaalaa gobolka Turkistaanta Bari (Xinjiang) ee Shiinaha.

Sindhi iyo Bunjaabi

🇵🇰 🇮🇳

Lahjado/qaabab gaar ah (tusaale ahaan, Shahmukhi) ee Bakistaan/Hindiya.

Tusaalooyin Kale iyo Taariikh

Turkigii Cismaaniyiinta

Waxay si baaxad leh u isticmaali jireen farta Carabiga ilaa sanadkii 1928 oo loo wareegay Laatiin.

Luqadaha Afrika

Taariikh ahaan waxaa loo isticmaali jiray luqado ay ka mid yihiin Hawsa, Mandiinka, Sawaaxili, iyo Fulaani (sida farta Wadaad ee Soomaalida).

Faraha La Waafajiyay

Farta Carabiga (oo inta badan loogu yeero *abjad* sababtoo ah taariikh ahaan waxay mudnaanta siin jirtay shaqalada adag/consonants) ayaa loo waafajiyay sidii nidaam xarfeed dhab ah luqadaha sida Kurdiga iyo Uyquurka, kuwaas oo adeegsada calaamado gaar ah si ay u muujiyaan shaqalada (vowels).

Sababta Ay U Badan Yihiin Luuqaha Lagu Qoro Farta Carabiga?

Fiditaanka farta Carabiga waxay si xooggan ugu xiran tahay faafitaanka Islaamka, Jacayl loo Qabo farta Qur'aanku ku qoranyahay. iyo Fududayn Bulshada muslimka ah loo fududayno Barashadda, Akhriska iyo fahamka Diintooda. taas oo ka dhigtay farta loo doorbido qoraallada diiniga ah, taasi oo sababtay in lagu waafajiyo luqadaha maxalliga ah ee ku kala baahsan Bariga Dhexe, Aasiyada Dhexe, Afrika, iyo Koonfur-bari Aasiya.